Qoraal Kooban oo Ku Saabsan COVIDED: Koofidh-19 iyo Waxbarashada Soomaaliya/Somaliland
COVIDED ujeedadiisu waa in la fahmo, islamarkaana lasii wanaajiyo saamaynta ka-falcelinta Koofidh-19 ku leedahay waxbarashada Soomaaliya/Somaliland, iyada oo kaqaybgalayaasha laxushay la marinay saddex wareeg oo waraysiyo ah, oo natiijada ka soo baxday lagu soo gudbiyay warbixintan.
Arar
Soomaaliya/Somaliland si daran ayaa Koofidh-19 u saameeyay, si gaar ah sababta oo ah maqnaanshaha kaabayaasha iyo adeegyada daryeelka caafimaad; nololo tiro badan ayaa dhaawac gaadhay oo la waayay, taas oo ay garab socoto dhaawac gaadhay dhaqaalaha, nolosha dadka iyo waxbarashadooda. Intii lagu gudo-jiray barnaamijkan, waxa aannu u kuurogallay sida Koofidh-19 iyo falcelinta laga bixiyay ay sida ay saamaynta gaarka ah ugu yeesheen waxbarashada dadka iyo waaxda waxbarashada guud ahaan. Waxa aannu dhiirigelinnay in loo dhammaado barnaamijka iyo ka-qaybgal annaga oo la xiriirnay dadyow aan codkooda la maqal oo ay kamid yihiin xoolo-dhaqatada reer miyiga ah, dadka deggen miyiga iyo dumar. Si aannu u helno fahan dheellitiran, waxa aannu hawgelinay ka-qaybgalayaal masuul ka ah dhinacyo kala duwan oo waxbarashada ah oo u dhaxeeya dugsi hoose iyo sare ilaa Tacliinta Sare iyo Waxbarashada Tabobarka Farsamada iyo Xirfadaha (TVET), oo ay ku jiraan dad wax dhiga iyo masuuliyiin dawladeed.
Erey-qabsi
- COVID-19; Somalia/Somaliland; waxbarashada, tabobarka farsamada; falcelin