Warbihinty COVIDED: COVID-19 Iyooney Walbarashoody Somalia/Somaliland (Af Maay)
Kuqiibqalayaalky way isly gorodeeny ini bulshadaas qiiboshe shalgeddiisang e masaakiingty e si hung dhibaatody ing deerti, yeedo sabab ing ety sidi gurmadky liingku qadiyi, wayny muhiim ehy ini le hely walbarashy hirfiddiyo kor liingky qaadaw si shagy liing abuuri ama shagy helowsho ing badadi.
Ha Koobow
Somalia i Somaliland way si hung ing saameyey COVID-19, wayny saameyowkaas sabab ing haayey taya humaanty imkaaniyaadky ii harumo aafimaadka; dad badang ya dhibaaty deerty amy dhimideng, wayny dhibaaty hoog leh deertey dadky dhagaalesho, naftiyo iyo walbarashoodiyo.
Ingti mashruu’ung dereeri, way ilmy-baaris ka suubiney sidi COVID-19 ii gurmadky la suubiyi saameynty ka weeldhideng dadky walbarashoodiyo ii walbarashoody guud haangtiye. Way dhiirrigiliiney ini bulshady qiiboshe dhang ku qiib galang, waany ku qiib qaadadang, yeedo uny toos ingku qiib giliyaany dadka edsho ingty badang liing dheegany o heely haratoody reer baadiyaagy, dadky tuulooyinky deggeng, ii hangraabty ku mid eying.
Si ma’aluumaadky ing dheelli-tirima, way qorney o kuqiibgalayaal masuul ku eh qiiby shal geddiisang oo walbarashoody eh, haanas o ku koobang Dugsi Hoosy, Dugsy Sary illaa Walbarashoody heerky sary ii tababar hirfadeede, saas o kely way ku qiib giliiney oqoong yahang ii saraakiil dowladda ku tirsing.
Nuhurky
- Jerowky walbarashoody; tayeedy walbarashoody; saameynty COVID-19; natiijooyinky hordha’a; dood