COVID-19 iyo Horumarka Waara ee Soomaaliya/Somaliland (Wejiga Labaad)
Howshan waxaa taageeray laanta Caafimaadka Guud ee Caalimga ah ee Machadka Elisabet Balaakwell ee Cilmi-baadhista Caafimaadka, ee laga maalgeliyo istiraatiijiyadda QR GCRF ee Jaamacadda Bristol.
Arar
Soomaaliya/Somaliland waxa ay kamid tahay caalamka meelaha ugu awoodda yar marka la eego latacaalidda COVID-19 (cudurka koroonafayraska) sababo badan oo la xiriira baahida saboolnimada, helitaanka daryeelka caafimaad oo hooseeya, iyo tamar darrada dowladda awgood. Aad ayaa ay uga durugsanaayeen gaaritaanka horumar waa ka hor intii ayna dhibaatadani imanin. COVID-19 iyo ka falcelintiisu waxa uu halis ku yahay horumar kasta oo ay hore u gaadheen Soomaaliya/Somaliland.
Mashruucani waa mid aanu ugu kuurgalnay sidii loo dhiirigelin lahaa horumar waara ee Soomaaliya/Somalialnd inta lagu gudo jiro, iyada oo la adeegsanayo habka ka falcelinta COVID-19. Waxa aanu baaritaankan u marnay falanqayn/wadasheekaysi aanu la samaynay dad ku sugan Muqdisho (caasimadda Soomaaliya) iyo Hargeysa (caasimadda Somaliland). Horumar waara waxa aan uga jeednaa sii wanaajinta nolosha, maciishada iyo ka-qaybgalka arrimaha bulshada ee jiilka maanta iyo kuwa mustaqbalka, si ay nolosha qiimiga u leh ugu noolaadaan hab saamaxaya badhaadhaha caalamka dabiiciga ah. Somaliland 1991 kii ayaa ay dhan keli ah kaga dhawaaqday inay ka madaxbannaan tahay Soomaaliya. Intaas wixii ka danbeeyay iyada ayaa is-maamulaysay balse aqoonsi caalami ah uma ay helin in ay tahay qaran madaxbannaan; sidaas darteed ayaa aannu u adeegsannay Soomaaliya/Somaliland meeshii munaasib ku ah.
Dadka aanu la hadalnay waxa ay u badnaayeen kuwo aan si dhammaystiran qeyb uga ahayn bulshadooda sababo la xiriira akhris-qoraal la’aan, jinsi, dhalinyaro, ka tirsanaanta reero laga tiro badan yahay ama koox sinji oo laga tiro badan yahay, ama ba ahaanshaha shaqaale dabaqad hoose ah, xoolo-dhaqato reer miyi ah, ganacsade yar oo aan rasmi ahayn, ku barkacay dalka gudihiisa ama qaxoonti ka yimi dal kale. Mararka qaar dhinac kamid ah ka-qaybgal la’aanta sida jinsiga ayaa waxaa dheelitira dhinac kale oo kamid ahaanshaha ah sida dakhli sarreeya. Haseyeeshee, inta badan dhinacyada ka-qaybgal la’aantu bulshadu waa ay is-xoojiyaan oo isla fal galaan, sida inay kulmaan dakhli hoose, barakac dalka gudihiisa ah iyo qorisakhris la’aan. Sida oo kale arrimahaas waxa aanu kala hadalnay dad sedbursiimo dheeraad ah haysta – caafimaadka dowladda, shaqaalayn, iyo kamid ahaansho (sida xuquuqaha haweenka) iyo howlwadeenno sare iyo dhexe oo ka howlgala shirkadaha isgaarsiinta. Sababta loo la hadlay dadyow kala duwan marka laga fiiriyo dhincayo badan waa in qaddiyadahan laga arko dhinacyo kala duwan, iyo in fursad la siiyo dadka aan la dhegaysan ka-qaybgal la’aanta awgeed.
Warbixintani waxa ay ku salasayn tahay wejigii labaad ee hawsha mashruuca. Tafaasiisha habraaca guud ee wejiga 1aad iyo wejiga 2aad iyo natiijooyinkii wejigaa 1aad, fadlan ka dheeho degelka/websiteka Transparency Solutions warbixinta hordhaca ah oo ku qoran af Ingiriisi iyo Soomaali labada ba.
Wejiga labaad waxa aannu seddex waraysi oo taxane ah iyo wadasheekaysiyo layeelannay afartan qof (labaatan jooga Muqdisho iyo labaatan Hargeysa jooga) intii lagu jiray bishii July 2020. Caafimaadka iyo bedqabka cilmi-baadhayaasha iyo ka-qaybgalayaasha ee la xiriira COVID-19 ayaa la sugay iyada oo adeegsanayo habab aan toos ama weji kaweji ahayn, sida taleefan ama internet.
Erey-qabsi
- COVID-19; horumar waara; nuglaansho bulsho; maciishad; ka mid ahaansho; caafimaadka dadweynaha