COVID-19 iyo Horumarka Waara ee Soomaaliya/Somaliland: Nolosha, Qaab-nololeed, iyo Ka-mid-ahaanshiyaha
Warbixintan cilmibaadhiseed waxa la ga soo ururiyey bulshada qaybaheeda kaladuwan si loo fahmo isbeddelka habnololeed iyo ka-mid-ahaanshaha xilliga dhibaatada, waxa na ay warbixintu iftiiminaysaa sida COVID-19 ugu faafay bulshada nugul dhexdeeda.
Arar
Soomaaliya/Somaliland waxa ay ka mid yihiin meelaha adduunka ugu taagta daran, la tacaalista COVID-19 (Xanuunka Coronavirus), iyada oo ay horeba u jireen wejiyo badan oo ah fara madhnaan ka dhalatay saboolnimada, helitaanka daryeelka caafimaad oo aad u hooseeya iyo awoodda dawladnimo oo xaddidan. Mashruucan waxa aynu ku eegaynaa sida horumarka waara loo xoojin karo inta lagu jiro iyo si looga jawaabo COVID-19 ka Soomaaliya / Somaliland.
Waxa aanu inta badan samaynay doodo aanu la yeelanay dadka Muqdisho (Caasimadda Soomaaliya) iyo Hargeysa (Caasimadda Somaliland). Dadka aanu la hadalnayna waxa ay inta badan ahaayeen kuwa si uun looga faquuqay in ay si buuxda bulshadooda uga mid noqdaan, iyada oo lagu takoorayo waxbarasho la’aan, jinsigooda, da’ yaraan, qabiilka ay ka dhasheen oo laga tiro badanyahay, shaqaale hoosaad ay yihiin awgeed, reer baadiye xoola dhaqato ah in ay yihiin darteed, in ay ganacsato yaryar oo aan rasmi ahayn yihiin, iyo in ay yihiin barakacayaal ama qaxooti dal kale ka yimi. Waxa kale oo aanu arrimahan falanqayn kala yeelanay dad bulshada dhexdeeda martabad muhiim ah ka jooga.
Waxa aanu samaynay waraysiyo taxane ah iyo doodo wadareed ay bilihii Meey iyo Juun 2020 ka yeesheen ka qaybgalayaal afartan tiradoodu tahay. Waxaa la hubiyey badqabka iyo caafimaadka la xidhiidha COVID-19 ee dhammaan cilmibaadhayaasha iyo ka qaybgaleyaasha iyada oo kulamda loo galay hab aan fool-ka-fool ahayn, sida taleefan ama internet. Waxa aanu hawlgelinnay afartan ka qaybgale oo ugu yaraan ay isku mid tahay tirada dhedigga iyo labku, labaatan ka mid ahi waxa ay ka socdeen Muqdisho, labaatanka kalana Hargeysa.
Horumar waara: horumarinta nolosha, nolol-maalmeedka iyo ka mid noqoshada jiilka hadda jira iyo kan mustaqbalkaba si ay ugu noolaadaan nolol qiimo leh oo oggolaanaysa adduunka dabiiciga ahina inuu sii jiro.
Erey-qabsi
- COVID-19; horumar waara; nuglaansho bulsho; maciishad; ka mid ahaansho; caafimaadka dadweynaha